DAAWO VIDEO:- DFS oo Ukala Eexatay Maamul Goboleedyada P/Land oo Faa’iday, Banadir iyo H/Shabeelle oo Dhulka lagu Jiiday iyo khilaaf cusub.

Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee Sanadka 2017 ayaa hor taalla Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya kuwaas oo heesta mudo 3 maalmood ah in ay soo aqriyaan waxayna sanadkaan ka badan tahay miisaaniyadda Sanadihii hore.

Kulamada Golaha shacabka ee looga doodayo Miisaanadda ayaa suurta gal ah in uu hareeyo dooda kulul iyo buuq ku saabsan qaladaad la sheegay in uu ka jiro lacago loo qoray Maamul Gobaleedyada iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Xildhibaano kala duwan ayaa sheegay in aysan Marna suurta gal aheyn sida loo diyaariyay lacagaha ay qaadanayan Maamul Gobaleedyada oo ay ka muuqato cadaalad daro iyo ukala ee xasho.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Hoos ka Akhri Qaabka Maamul goboleedyada Miisaaniyadda loo siiyay

Puntland $ 4,675,000

Jubbaland $ 2,695,000

Galmudug $ 1,425,000

Koofur Galbeed 1,425,000

Hirshabeelle 750,000

G/Banaadir $ 7,000,000

Lacagaha aan kor ku soo sheegnay oo hadii baarlamaanka meel mariyaan la siin doono Maamul Gobaleedyada ayaa maamul walba waxaa u sii dheer Canshuurta uga soo xaroota Dekadaha iyo Airboorada ay Maamulaan lamana cadeyn lacagtaan waxa lagu ansixiyay ama lagu baas gareeay.

 

 


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Cismaan Cawad says:

    Dalkani marka ugu horreeya ma leh hanti qaran ee u qalma in lagu tilmaamo miisaaniyadda federaalka. Xoogaagan la kala qoondeynayaa waxaa aan u badinayaa in ay yihiin deeqaha dalka lagu sadaqeystay ee aan uba qalmin in qabkaas xamaasadeysan ay warbaahiyeyaashu uga faalloodaan.

    Isku dirku waa xaaraan oo dalkeenan soo kabanaya waxaa ay hawraartan caaddifadeysani ku keenayaan tuhun iyo khilaaf masiirkiisa curyaamin doona. Ka fiirsada dabka aad shideysaan waa mid lagu wada guban doono ee.

  2. Atoore says:

    ASC.
    Qofka soo qoray qoraalka wwbsaydka waxuu ka mid yahay kuwa SUMAYSAN ee ku sumoobay xumanta qabiilka iyo qaab darada nolosha.Waa mid miskeenee lacagaha uu sheegay haddii ay run tahay waxa uu sheegay waxaa wax loo kala xisaabiyey sida uu dalku u kala weeyn yahay iyo sida ay dadku u kala badan yahiin.Banaadir waxaa la siinayaa buu yiri qoraagu 7 malyuun oo ay u dheer tahay waxa ka soo gala furdada iyo air port-iga xamar.Tan kale waxkasta oo uu adduun weynuhu siiyo soomaaliweeyn xamar sooma dhaafaan oo halkaas bay beesha hawiye ku qeybsadaan.Wixii ka soo harana waxay geeyn jireen Beladweyne iyo Cadaado.Labadiibana waxba ka hagaagi waaye,waayo waxaa lagu aas-aasay xoolo xaqdaro iyo Puntland ku xumee.Masha Allaah xumaantii madaxda hawiye ee isaga dambeeyey maamul ku sheegyadii xamar Puntland way KU BULAASHAY ee ISHII BUGTAAY KU BIKAACSO BULAALKA PUNTLAND.

  3. cubeyd says:

    Atariisho
    Horta intaadan hunqaacin bal dhagayso wasiirka maaliyada cid somalia dhaqaalo ugu deeqday majiraan waxa laqaybinayo waa canshuurtii hawiye ama dadka degan hirshabeele&g/mudug nacasyahow dakadiina

  4. cubeyd says:

    Nacasyahow dakadiina waad iibsatay xaqal qalinkiina jeebkaad gashatay walina waad tuugsanaysaa sadaqadii hawiyena waxaad moodaa inay gaaladu bixisay marka abaal malihid bal haduu farmaajo canshuurta hawiye kusiin karo aan aragno laangaabyahow




.

Featured Video