Dhageyso:-“Maamulka Baraawe”Waxaan Dilnay 14 Shabaab Ah Waxana Xabsiga Ka Sii Deynay 50 Qof Oo U Xirnaa

Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay weerar dhinaca Cirka ah oo xalay Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah ay ka fuliyeen deegaanka Kuunya-Baroow ee Gobolkaasi Shabeellaha hoose.

Weerarkaan oo dhacay xalay Saqdii dhexe ayaa lala bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku la haayeen deegaanka Kuunya-Baroow sida uu shabakada Afrikada.com u sheegay Gudoomiyaha degmada Baroowe Xuseen Bare Maxamed(Jeex)

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa faah faahin guud ka bixiyaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo  qaabka uu ku bilaawday waxa uuna yiri.

HALKAAN KDHAGEYSO CODKA

“lix Diyaaradood oo ka kacay Baraawe ayaa weraray fariisinkii Al-Shabaab ee Kuunya-Baroow waxana la socday ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwo Mareykan Cadaan ah dagaal kooban kadib Ciidamadu waxa ay dileen ilaa 14 shabaab ah waxa ayna Xabsiga ka sii daayeen 50 ruux oo Sisharcidaro ah ay ugu heesten Xabsi ku yaala Kuunya-Baroow ayuu yiri gudoomiye Xuseen jeex.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video