DHAGEYSO:- Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Dhaleeceen Dusha Oga Riday Shirkadaha Dalka Keena Internet-ka

Wasiirka Boostada  Isgaarsiinta  dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay caqabada keentay in mudada dhowrka Maalina ah uu Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka maqnaado Qadka Internet-ka

Wasiir Cabdi Canshuur ayaa sheegayin markii uu Go’ay Internet-ka  loo heli waayay xalkale oo ku aadan in sifudud looga gudbo in la helo qad  Internet taasina ay ugu wacan tahay in shirkadaha keena Internet-ka oo an heysan qalab kale oo Si KMG, ah u isticmaalaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

Waxa uu sheegay in ay mamnuuc tahay in shirkad aan heysan xalka hadii uu ka ciladoobo Qalabka ay ku Shaqeynayaan  in dalka ay ka mamnuuc tahay in ay ka Shaqeyso balse Shirkaduhu ay ka faa’iideesteen sharciga Isgaarsiinta dalka oo aan waqtigaan jirin.

 Ugu dambeyn waxa uu sheegay in uu rajeynayo in Baarlaamnka Soomaaliya ay dhawaan ansixiyaan Sharciga Isg aarsiinta si loogu Shaqeeyo.

Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video