DHAGEYSO: Galmudug oo Shacabka ka Taageereysa la Dagaalka Ahlusunada Tagtay Xeraale

Xiisad Colaadeed ayaa laga soo sheegayaa Deegaanka Xeraale Ee Gobolka Gal gaduud taasi oo ka dhalatay markii Ciidan badan oo Ahlusuna katirsan ay gaareen Halkaasi.

Dadka ku dhaqan halkaasi waxay sheegeen in Gaadiid Dagaal ay maalmo ka hor gaareen Xeraale kuwii ugu dambeeyana Arbacadii Shalay ay tegeen.

Warar is khilaafsan ayaa laga helayaa Ciidankaasi sababta ay Deegaanka ugaareen waxaana qaarkood warar aan la xaqiijin ay kuwaramayaan in Al Shabaab duulaan ay soo qaadi rabaan ay ka difaac galayaan.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay Ciidankaasi abuureen Xasarad Amni daro sida uu sheegayo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Mahad Maxamed Cali sheegeyna in deegaan Nabdoon ay Ahlusuna ku duushay.

Shacabka iyo Ahlusuna ayaana laga cabsi qabaa inay dagaalamaan.

 

 

 


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video