Daawo Sawirada: Shirka Golaha Wasiirada DFS Ee Ka Furmay Maanta Kismaayo

Waxaa maanta Barqadii ka furmay Magaalada Kismaayo Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Meel ka baxsan Muqdisho 12 Sano Kadib.

Wasiirada Soomaaliya ayaa Kaamirada kasoo muuqday iyagoo ka qeyb galaya Shirkaasi uu Gar wadeen ka yahay R.wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirada Maaliyada,Warfaafinta,Amniga iyo Wasiiro Kale ayaana ka mid ah kuwa Sawirada kasoo muuqday laga soo qaaday shirka uga socda Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa ku guuleystay marti gelinta Xukuumada oo Kulan ku qaadaneysa Magaalada Kismaayo iyadoo Hool La qalabeeyey Lana bilciyey ay ku shirayaan Wasiirada Soomaaliya.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video