R/wasaare Kuxigeenka & Tiro Wasiiro Ah oo Kismaayo Gaaray & R.W Kheyre oo Baaqday

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helayno waxey sheegayaan in Golaha Wasiirada Soomaaliya Qaarkood ay gaareen maanta barqadii Magaalada Kismaayo.

Amniga Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey halkaasi oo khamiista berri uu ka dhacayo Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya sida la xaqiijiyey.

Waxaa Hogaaminayey Wafdiga gaaray Kismaayo R.wasaare Kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) waxaana la sheegayaa in si diiran loo soo dhaweeyey.

Wafdigaan ayaa hordhac u ah Wafdi kale uu hogaaminayo R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan Kismaayo si shirka berri ay uga qeyb galaan.

Wasiirka Amniga iyo Wasiiro kale ayaa la sheegay in Xasan Cali Kheyre raaci doonaan Saacado kadib Socdaalkooda Magaalada Kismaayo.

 


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video