Madaxweyne Farmaajo oo daah furay Kalfadhiga 2aad Ee Aqalka Sare Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa daah furay Shirka Golaha aqalka Sare Ee Dalka.

Kulan ayey ku leeyihiin Xildhibaanada Aqalka Sare Dalka Magaalada Muqdisho waxaana uu yahay Kalfadhigooda Labaad oo furmay.

Safiirka Dawlada Turkiga ujooga Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale ayaa xaadiray Furitaanka Farmaajo Ee Shirka Golaha Aqalka Sare,waxaana ka mid ahaa R/wasaare Kheyre iyo Mudane Jawaari Afhayeenka Baarlamaanka.

Muddo labo bil ah ayey Fasax ku maqnaayeen Golaha Aqalka Sare waxaana maanta mar kale ubilaabatay Shaqadooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad uu jeediyey waxa uu kula dar daarmay Mas’uuliyiinka Aqalka Sare in dalka ay dhankooda hormarintiisa ka shaqeeyaan waxqabad muuqdana la yimaadaan.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video