Dhacdo Layaab Leh: 3 Haween Ah oo Kufsaday Nin Macalin Ah

Nin Macalin Ah oo Wax ka dhiga Dalka Zimbabwe ayaa Cusbitaalka loola Cararay Kadib markii Haweeneey Burcad ah ay afduubteen kadibna si fool xun ula Dhaqmeen.

39 Jirkaan ayaa jirkiisa waxaa ka muuqday Dhaawacyo ay Seddex Haween Gaangistaro ah ugeysteen iyagoo Galmood Xoog ah ku sameeyey Ninkaasi.

Waxay ku yiraahdeen Noo Galmood wuuna diiday iyagoo qasab ku isticmaalay Xubinta Taranka Macalinkaasi,kadibna ay jirkiisa waxyeeleeyeen.

Ninkaan Dhibanaha ah ayaa ka yimid Deegaanka Makoni Ee Magaalada Chitungwiza oo Dalka Zimbabwe ah waxaana dhaawac daran soo gaaray la sheegay inuu udhintay markii dambe.

Majalada The Standard ayaa daabacday in Falkaan uu dhacay Bishaan Labadeedii waxaana aad looga hadal hayaa Dalka Zimbabwe ninkaasi la kufsaday.

Booliska ayaa ku raad jooga soo qabashada Seddexdii Haweenka Ahaa Ee Falkaasi Wuxuushnimada ah kula kacay Macalinkaasi,iyagoo hore ukaxeystay Gaari BMW ah oo ka diin waan gishan South Africa uuna watay Dhibanahaasi.

 


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video