DAAWO VIDEO: Dowlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya oo Muqdisho uga dhowaaqday Amaro cusub

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku aadan amniga, iyadoo fartay Shirkadaha gaarka loo leeyahay inay soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Amarkan oo uu soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa waxaa loogu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in muddo 30 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda.

Wasaaradda Amniga ayaa dhowaan soo saartay amar lagu farayo Mas’uuliyiinta dowladda, sida Wasiirada iyo Xildhibaanada inay muddo 15 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda iyo hubka ay wataan.

Awaamiirta ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa qeyb ka ah howlaha sugida amniga ee Caasimadda, iyadoo Ciidamada xasilinta ay wali ka howl galayaan qeybo ka mid ah magaalada, kuwaasoo howl gallo ka wada.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Cismaan Cawad says:

    Waa tallaabo qaadkii aadka loogu baahnaa ee aan usbuuc dhan website kale kaga faalloonayay in ay dawladda federaalku sida ugu dhakhsiiyaha badan u dardar galiso. Aad ayaan u soo dhaweynayaa oo uguna bogaadinayaa fariidnimada iyo geesinimada dawladdan looga fadhiyay ee ay iyada oo ugub ah ku dhaqaaqday. Waxaa weliba baaqi ah in dhawr la maxkamadeeyo si ay kuwa khiyaanada qaran dhagarteeda la maleegaya cashar buuxa uga qaataan. Waa in isla markaasina shacab weynaha lagu baraarujiyo wacyi gelin baahsan ee lagu nacsiinayo shirkadaha iyo shakhsiyaadka canshuur diidka ah.

    Waa in kuwa diiddan in ay canshuurtooda dhiibaan ololaha ‘NAME and SHAME’ loo yaqaano lagu qaado oo ceebtooda bannaanka la soo dhigo inta media-ha kala loo adeegsado. Runtii madax kuwii hore lagaga raysan doono ee dalkeena naq lagu diirsado u noqon doona ayaa Eebbe Soomaaliya ku deeqay. Hadal yar iyo hawl badan dawladdaay.




.

Featured Video