Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii B/Burde & Shabaab oo Ka Hadlay

Xaalad deggenaashiyo ayaa duhurnimadaan laga dareemayaa Degmada Buula burde Ee Gobolka Hiiraan Kadib Dagaal Culus oo halkaasi ka dhacay.

Ciidanka Al Shabaab ayaa weerar waxay ku Ekeeyeen Saaka fariisin ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwooda Ka Socda Waddanka Jabuuti iyo Ciidanka Dawlada.

Waxaa dagaal la isku jilbo dhigtay uu dhexmaray Labada dhinac waxaana adag in Faah faahin laga helo Khasaaraha ka dhashay.

Qoraal lagu soo daabacay Baraha Internet-ka Ee Shabaabka ayaa lagu sheegay in Khasaro Xoogan lagu gaarsiiyey Ciidanka Jabuuti Weerarkii B/burde Maanta ka dhacay.

Isgaarsiinta ayaa dib hawada ugu soo laabatay waxaana la leeyahay Xaaladu hadda waa mid deggan,mana jirto cid sheegi karta khasaaraha dhabta ah ee Dagaalkii Maanta Gelinkii hore uu geystay.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video