WAR CUSUB: Sacuudiga oo dhaqaalihii ka jartay Somalia & Qatar oo si degdeg ah u buuxineysa Booska Sacuudiga…

Dowlada Sacuudiga ayaa culeys ba’an ku heysa dowlada Somalia oo dhawaan ku dhawaaqday inaysan qeyb ka aheyn xiisada ka dhex aloosan Qadar iyo Sacuudiga.

Dowlada Somalia ayaa ka cudur daaratay inay lug ku yeelato xiisada labada dal, iyadoo sabab ka dhigtay inay dhex maquureyso xaalado aysan uga maarmi karin dowladaha uu muranka ka dhex jiro.

Dowlada Somalia waxa ay si bareera u diiday ka jawaabida dalabyo dhowr ah oo kaga imaaday Sacuudiga kuwaa oo ku xeeran jarida xiriirka kala dhexeya Qadar.

Wixii intaa ka danbeeyay dowlada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay jartay deeqihii ay siin jirtay Somalia, kadib markii ay kamid noqon weyday xulafadeeda kasoo horjeeda dowlada qaniga ah ee Qadar.

Sacuudiga waxa ay sidoo kale ku goodisay inay hakin doonto bixinta dal ku galka Soomaalida dooneysa inay gutaan waajibaadkooda Xajka iyo cumrada.

Dowlada Qadar oo ka duuleysa go’aanka uu Sacuudiga ku jaray deeqaha, ayaa sheegtay in Somalia ay la garabtaagan tahay dhammaan waxyaabaha aasaasiga oo ay ka heli jireen Sacuudiga.

Qadar waxa ay ballanqaaday xitaa inay bixin doonto dhaqaalaha ay Somalia ka heli jirtay Sacuudiga, isla markaana uusan banaanaan doonin booska Sacuudiga.

Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad al­Thani iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Maxamed Cabdulraxman Al Thani, ayaa si wada jira u ballanqaaday inay garab libaax siin doonaan Somalia oo iska diiday inay qeyb ka noqoto Xulafada Sacuudiga.

Sidoo kale, waxa ay sheegen inay buuxin doonaan booska ay faarujisay dowlada Sacuudiga iyadoo laga dhabeynaayo mowqifka uu Qadar ka qaatay Sacuudiga.

Dowlada Somalia ayaa looga fadhiyaa inay ka faa’iideysato is garabtaaga Qadar, waxaana la hadal hayaa in Qadar ay bixin doonto dhaqaale dheeri ah oo loogu yaboohi doono Somalia.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Atoore says:

    ASC.
    Lacagta uu Sacuudigu u sheegay Madaxweynaha soomaaliya waa LAALUUSH,laaluushna waa ka xaaraam diinta Islaamka.Diidmadii uu M.A.Farmaajo diiday lacagtaas xaaramtaa ah 100 present wuu ku saxsan yahay.Saas oo kale baa lagu yaqaan madaxweynaha dhabtaa.Bagah Ina Farmaajo.Waligaa jir oo jog.

  2. Khaatumo says:

    Waxa igu maqaale ah in xataa lacagtii xasan qoslaaye loo balan qaaday siuu iran xidhiidhka ugu jaro inaan lacagta badankeedii lawada siin xasan qoslaaye .marka carab dhibaatadeeda hanagala tagto




.

Featured Video