DHAGEYSO:- MD Farmaajo oo Qaab Ka Duwan Xasan Sheekh U Xadidi Doona  Awooda Maamul Gobolleedyada Dalka Oo Dhan 

Sida muuqata waxay sameeyeen Maamul gobolleedyada Dalka ka jira inay Ka tallaabo dheereeyaan Dawladii Dhexe Ee Soomaaliya.

Waxa Maamul Gobolleedyada qaar ay Heshiisyo Caalami ah la galeen Dawlado iyagoo Howshaasi xaq ulaheyn.

RIIX HALKAAN SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Puntland waa Hooyada Maamul Gobolleedyada Dalka waxaana loo arkaa in tallaabadii ay qaado ay kudaba feelan doonaan kuwa iyada ka dambeeyey.

Qaarkood Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qaba in Nidaamka Federaalku yahay mid aan Loo baahneyn dhibaatana dalka iyo dadka uhorseedi kara.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda wada qorshe lagu Xadidayo Awooda Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira.

 


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. maxamed soomaali says:

    S/C,BACDAMAA SALLAAN,WAA ARIN LAGU FARXO DADAALADA IYO HORUMARKA DALKEENA IYO DADKEENA KU TALAABSADEEN SANADIHII U DANBEEYEY SPECIALLY INTII DOWLADAN CURDUNKA AH HOGAANKA LA WAREEGTAYU,DADKEENII WAA KA GUDBEEN QABIIL IYO QURUNKII WAA BAA BARYEY BILICSAN AROORYO SUUBAN MAALIN BAXSAN,RUNTII WAXA FARXAD AH IN DOWLADAN KU TALAABSATAY HWAXYAABO NA DHIIRI GALIYA SOONA NOOLEEYA RIYADEENII AHEEYD QARAN SOOMAALIYEED,SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH,

  2. Atoore says:

    KU:ERRIBLE FARANFAR.
    Insha Allaah waxaan ku siin doonaa jawaabta ad mudan tahay after ramadaan.Aniga iyo adigu waynuu is qoraal naqaan oo iskuma cusbin.Anse kuu sii hor mariyee war waadan war hayne soomaali way ka baxday hab qabiil iyo wax uu sheega afmiishar oo waxaa timid dawlad dhaanta wixii hore ee an waxba soo qaban.Ha ku war wareegin qabiil iyo wax laga tagay ee dadkaaga dhinic ka raac oo dayac tiro Goofkii awoowgaa.Waayo waxaa bilaabatay Insha Allaah markii uu qofwalba u jeesan lahaa danihiisa u gaarka ah.

  3. Atoore says:

    ASc.
    M.A.Farmaajo uma suurtoobayso in uu ku khasba waxyaalo aysan gobalada raali ka ahayn.Wixii raali la isaga yahay unbaa socon doona.Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye oo waliba aad u ba’naa.Saas markuu xaal noqday waa la kala guuray.Qof walbana waxuu u hayaamay meeshuu ku dhashay awoowgiis.Saas baana wali lagu kala maqan yahay.Markii la wada heshiiyo oo la isu celiyo maalka maqan oo ay dawlada federaalka ahu awood yeelato oo ay gobalada siiso waxay xaq uGu leeyahiin bay gobaladuna raacayaan hindisaha federaalka.




.

Featured Video