XOG:- DFS Oo Soo Saareysa Amarro Cusub oo ku wajahan reer Muqdisho

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay soo saarto amarro cusub oo dhanka ammaanka ah, kuwaasi oo ku wajahan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Xog hoose oo ay heshay wakaaladda Wararke ee Afrikada.com ayaa sheegaysa in ammaradan ay yihiin kuwo la doonayo in Muqdisho isbedal xooggan lagu geliyo.

Waxaa  macquul ah in ammaradan cusub ay saameeyaan dadka shacabka ah, waayo ammar walbo wuxuu wataa culeyskiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale waxay maanta su’aallo iska weydiinayaan sababihii uu ku fakaday gaarigii isku qarxiyey Pizza Hotel iyo raggii la socday gaarigaasi.

Shacabka Muqdisho oo markaan u arka in DFS ay waxbadan ka qabaneyso ammaankooda yaa hadana ka walaacsan saameynta ay ammaradan ku yaalan karaan.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video