Faah faahin: Maxaa kala Socotaa Dagaal Xalay ka Dhacay Gudaha Muqdisho?

Maleeshiyaad Hubeysan ayaa waxay Xalay weerar ku qaadeen fariisin Ciidanka Dawlada ku leeyihiin Degmada Yaaqshiid.

Dagaal fool ka fool ah ayaa ka dhacay Laanta Towfiiq Ee Magaalada Muqdisho waxaana la maqlayey Rasaasta Nuucyadeeda kala duwan.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in aysan ogaan Karin Xog ku saabsan dagaalkaasi maadaama xaaladu ay aheyd mid aan la suurad bixin Karin.

Jawiga ayaa Saacad iyo bar kadib kusoo laabtay Caadi waxaana ciidanku ay baaritaan kooban Saaka waaberigii sameeyeen walaw aysan dad soo qaban.

Ururka Shabaab ayaa weerarkaasi waxay sheegteen inay iyagu ka dambeeyeen waxaana ay ku faaneen inay dileen askar katirsan Ciidanka Dawlada oo kusugnaa Laanta Towfiiq.

Ma heyno war kasoo baxay Taliska Ciidanka Ee Kusugan Fariisinta la weeraray ama Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Yaaqshiid oo looga warbixiyey Dagaalkii Xalay ka dhacay halkaasi.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video