DHAGEYSO:- Hir shabelle Oo Lacag Faro Badan Ku Bixisay Joojinta Arrin Halis Ku Aheed Madaxda Sare

Todobaadkii Hore ayaa waxa Shaqo joojin lagu Sameeyey Xasaanadii Hogaamineedna lagala Noqday Kadib Mooshin laga Keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle ayaa hadda isbadel uu yimid.

Shalay Jimcihii waxaa gaaray Jowhar Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble kaasi oo la dareemay in Culeys uu ka dhex jiro isaga iyo Kuxigeenkiisa.

Xitaa Madaxweyne Cosoble ma uusan la hadlin Wariyeyaasha kadib kulan ay muddo wada qaateen isaga iyo Cali Guudlaawe,lana ogeyn waxay kawada hadleen.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

Cosoble ayaa waxa uu ka warbixin Safaradii uu kusoo kala bixiyey Dalka iyo Dibadiisa iyo wixii usoo qabsoomay.

Gelinkii dambe Ee Shalay Jimcihii ayaa waxaa Jowhar Kulan iskugu yimid qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Waxay soo saareen Mooshin ka laabasho ay Isbuucii hore ka gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle Cusmaan Barre Maxamed.

Warar ayaa sheegaya in Lacag uu Bixiyey Cali Cosoble ay soo dedajisey in laga laabto Mooshinkaasi maadaama ay saaxiibo dhaw yihiin Gud.Baarlamaanka HirShabelle.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video