DEG DEG: Gaari qaraxyo Xambaarsan oo lagu qabtay Muqdisho

Warar nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Xasilinta Muqdisho ay suuqa Bakaaraha ku qabteen gaari ay saaran yihiin walxaha qarxa.

Sarkaal howgalkaasi wax ka fuliyey ayaa inoo sheegay in gaarigan uu  yahay NOHA, islamarkaana aan la diyaarin, balse qaraxyada wixii laga sameyn lahaa ay saaran yihiin.

Waxaa hadda gaarigan loo qaaday dhanka NISA xaruntooda, waxaase baxsaday sida la sheegay ninkii waday.

Howlgallo culus ayeey ciidamada xisilinta kawadaan magaalada Muqdisho, meello badan ayeeyna ku bartimaameedsanayaan.

 


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video