DHAGEYSO: Dagaal Udhaxeeya Al Shabaab & Ciidanka DFS oo Hadda Ka Socda Sh/Dhexe

Iskahorimaad udhaxeeya Maleeshiyaad Hubeysan oo loo maleenayo inay katirsan yihiin Ururka Al Shabaab iyo Ciidanka Dawlada ayaa hadda ka socda Duleedka Degmada Balcad.

Qarax miino ayaa gaari ay la socdeen ciidan katirsan Dawlada waxa lagula Eegtay Halka loo yaqaano Gololeey Daa’uud oo Balcad iyo Qalimoow udhaxeysa.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

Ciidanka Dawlada ayaa gurmad ahaan markii ay ugu baxeen halkaasi waxa tacshiirad kala hor yimid Dableey Hubeysan.

Abuukar Aadan Codeey oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga Ee Degmada Balcad ayaa inoo xaqiijiyey in weli dagaal uu socdo.

Keymo ku yaalla Deegaanka Gololeey oo ah Meel Geedo badan ayaana rasaasta hadda ay ka dhaceysaa oo Ciidanka Dawlada iyo Kooxdaasi kusugan yihiin.

 


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video