Daawo Video:- Dr. Baadiyow Oo Taageeray Go’aanka Dawladda ee Khaliijku Iyo Dalka Soomaliya oo madax banaan

Qaybaha kala duwan ee Shacabka magaalada Muqdisho ayaa Taageeray Go’aanka Dawladda Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Siyaasiga C.raxmaan Baadiyow ayaa sheegay in Go’aanka Dawladda Soomaaliya uu Muujinayo Geesinimo iyo Madaxbanaani, Wuxuuna sheegay inay Soomaaliya Burburiyeen Dawlado kale Khilaafkooda oo la dhex galo, Wuxuuna xusay in Soomaaliya ay u baahantahay Siyaasad Madax banaan oo Danaheeda ka turjumaya, Wuxuuna sheegay in go’aankaasi yahay mid loo Aayi doono Mustaqbalka danbe.

Sheekh Cabdiqaadir Soomow ayaa sheegay in Xiisada u dhaxaysa dalalkaasi Lagu dhameeyo Miiska wada hadalka, Wuxuuna Culimada ugu baaqay in la damiyo colaadaha ka dhex jira Dalalka Islaamka, Sidoo kale Xildhibaan Dahabo ayaa taageertay Go’aanka Dawlada ay qaadatay.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video