Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in laga been abuurtay

Madaxweynihii hore ee dowladda KMG,ka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay in uu ka hadlay xiisada u dhaxeysa Wadamada Khaliijka ka dib markii Page uu ku qoran yahay magaciisa lagu qoray in uu ka hadlay xiisadaas.

Sheekh Shariif ayaa Barta uu ku leeyahay Facebook ku beeniyay Warkaan waxa uuna yiri.

“Walaalaha Soomaaliyeed waxaan u caddeynayaa inaysan jirin meel aan kaga hadlay khilaafka ka jira Khaliijka, pages been abuur ah oo la sameeystay ayaa ku batay baraha bulshada oo aanan wax shaqa ah ku lahayn.

Bishii Kheyrka ayaan kujirnaa aan ka fogaano been abuurasho iyo wax kasta oo keeni kara in ramadaanka uu waxyeeleeyo.

Pageka qoraalkan qorey waa been abuur ee halaga digtoonaado ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video