KASHIFAAD:- Somaliland Iyo Puntland oo ku heshiinaya qorshe halis ku ah jiri taanka Dowlada Farmaajo iyo Itoobiya oo ka dambeysa

Xog ay si hoose u heshay Afrikada.com ayaa sheegeysa inuu socdo qorshe halis ah oo ay waddo dowladda Itoobiya ayna ku heshiin doonaa maamullada Puntland iyo Somaliland.

Itoobiya ayaa 26 sano ka badan waxay ku daashay in Somaliland laga saaro Soomaaliya inteeda kale hase ahaatee waxay hadda soo degeen xeelad cusub.

Puntland iyo Somaliland ayaa la doonayaa in la mideeyo heshiis laga dhigo, islamarkaana ay noqdaan dad doonaya iney gaar isku taagaan, maadaama hadaba Khaatumo ay ka dhaxeyso.

Labadan maamul ayaa haddii ay isku xirmaan waxay noqonayaan kuwo haysta dhul aad iyo aad u weyn, islamarkaana si wadajir ah waxay ku dhowaaqi doonaan in Soomaaliya aanay ka tirsanayn.

Magac cusub ayeey la bixi doonaa sidaan xogta ku helnay, waxaana sidoo kale ay yeelan doonaan calan cusub oo Labada calan waa laga tagayaa si aanu khilaaf u dhalan.

Waa macquul in Labada magac mid la qaato Labada calanna mid la qaato, balse is mdhaaf ay noqdaan, si xalka loo helo, iyadoo qorshahan hadda meel bilow ah marayo.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video