Naxdin Daawo:-Tacadigii Ugu Xumaa Uguna Murugada Badnaa Oo Loo Geesto Gabar Soomaaliyeed Oo Da`yar..

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday mid kamid ah tacadiyadii ugu xumeyd uguna murugada badneyd ee loo gaystay gabar da’yar.

Ciidamada Amisom ayaa xabsi ku xareystay gabar ardayad 19 jir ah iyagoo ku ciyaaray mustaqbalkeeda, isla markaana mudo dheer ay la miir daboolneyd.

QISO Xanuun badan ayay gabadhan oo degeneyd degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho la wadaagtay dadka Soomaaliyeed si fariiteeda meel dheer loo gaarsiiyo.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO QISADA GABADHA

Intaas loogama harin, ee gabadhan ayaa markii ay waalidkeed bilaabeen iney arintan ka dacwoodaan waxaa loo taxaabay xabsiga iyadoo ilaa haatan aan la ogeyn meel uu ku sugan yahay nolol iyo geeri.

Fariintan ayaa si gaar ah ugu socota dowlada cusub ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, si kastaba, Amisom ayaa si joogta ah kufsi iyo dilalba ugu haysa gabdhaha iyo shacabka kale ee Soomaaliyeed iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay arintaas.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Dr Gacal says:

    Waa arrin cajiib ah iyo nasiib darro ku habsatay ummadda soomaaliyeed oo idil, amisom waxaa ay caadeysteen in ay baneystaan dhiigga shacabka somaaliyeed. Immisa ruux ayey gaari dul marsiiyeen oo dileen, immisa gabdho somaaliyeed ah ayey arrimo foolxun kula kaceen.
    Somaaliyey aan u wada istaagno badbaadada shacabkeena intii gabdhaheena nagula hor kufsan lahaa, Habana nala yiraahdo waa dad argagiso ah.
    Madaxda DFS iyo ciidamada amisom ba

    • Dr Gacal says:

      Waa isku mid, waayo dadka nabad sugidda u keensaday amisom waa madaxda dalka.
      (M.weyne farmaajo + R.wasaare kheyre + jawaari waxaa ay madax u yihiin waa shacabka somaaliyeed balse hadii ay arrintan wax ka qaban waayaan waa in lala dagaalamaa dhamaantood).
      Si aynu u badbaadino shacabkeena waa inan u wada istaagnaa.




.

Featured Video