Kooxda Watford oo guuldaro xanuun badan dhabarka usaarisay Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay naadiga Watford kadib kulan adag oo kusoo dhamaaday 2-1.

Watford ayaa sedex daqiiqo ay ku qaadatay iney ka yaabsato kooxda Arsenal oo garoonkeeda ku ciyaareysay kadib markii ay daqiiqadihii hore ee ciyaarta labo gool oo deg deg ah ka dhaliyeen, Arsenal ayaana qeybtii labaad heshay hal gool

GOAL! ARSENAL 0-1 WATFORD (Kaboul, 10)

Lama filaan ayay ku aheyd Arsenal in laga dhaliyo goolkaas, Watford ayaase bilaabasho aan caadi aheyn sameysay. kooxda martida aheyd ayaa heshay laad xor ah meel goosha ujirta 30 yard, waxaana qaatay daafaca Kaboul, kaas oo daba mariyay goolhaye Cech.

GOAL! ARSENAL 0-2 WATFORD (Deeney, 13)

WAW Bilaabasho aan caadi aheyn WATFORD! Capoue ayaa kubad aan caadi aheyn ciyaaray iyadoo daafaca Arsenal ay ku dhibtoodeen iney celiyaan waxaana uu ku laaday goosha laakiin Cech ayaa soo celiyay laakiin kubada ayaa utimid Deeney kaas oo si cajiib ah ciyaarta uga dhigay 2-0

Arsenal ayaanan qeybtii hore ee ciyaarta aanan abuurin fursado halis galin karay goosha kooxda Watford, ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay qeybtii hore 2-0.

promo310164347

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta, kooxda Arsenal ayaa abuurtay fursado cajiib ah oo ay goolal ku dhalin kareen.

Daqiiqadii 49-aad  Koscielny ayaa kubad udhiibay Walcott, kaas oo tijaabiyay gacmaha goolhaye Gomes, sidoo kale daqiiqadii 50-aad Arsenal ayaa ku dhawaatay iney gool soo ceshato, laakiin Walcott ayaa qasaariyay kubad ay kasoo shaqeeyeen Iwobi iyo Ozil, daqiiqadii 54-aad-na goolhaye Gomez ayaa bad baadin kale oo wanaagsan ka sameeyay fursad uu helay Iwobi.

GOAL! ARSENAL 1-2 WATFORD (Iwobi, 58)

Arsenal ayaa isbad baadiyay. Sanchez ayaa kubad aan caadi aheyn la dhaafay daafaca Britos  waxaana uu kadib udhiibay Iwobi, xidigan ayaana kubad aan caadi aheyn ka dhaliyay dhinac goosha ah, ciyaarta ayaana noqotay 1-2!

promo310165330

RIGOORE? Capoue ayaa waxaa xerada ganaaxa ku jalaafeeyay Coquelin, xidigan ayaana ku qeylliyay in rigoore loo dhigo laakiin garsooraha ayaa socodsiiyay.

BIRTA: Kooxda Arsenal ayaa ku dhawaatay goolka bar bardhaca,  Lucas Perez ayaa kubad xoogan la beegsaday goosha waxaana ay dhaaftay goolhaye Gomes laakiin birta ayay ku dhacday.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-2, taas oo ay guusha ku raacday kooxda kubada cagta ee Watford, waana guuldaradii ugu horeysay ee ku dhawaad 10 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah kusoo gaartay garoonkeeda.

Guuldarada soo gaartay Arsenal ayaa ka dhigeysa iney ku adkaaneyso iney la tartanto kooxaha hogaanka horyaalka ku dagaalamaya xili ciyaareedkan, waxaana ay ka faa’ideysan waayeen kulankii Chelsea iyo Liverpool oo dhibco lumin karay.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video