Arsene Wenger Oo Ganaax Culus Garka Loogaliyay”Muxuu Sameeyay

Xiriirka kubadda cagta ingiriiska ee FA ayaa ganaaxay tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ilaa 4-kulan.

Arsene Wenger ayaa gacanta isaga riixay garsooraha 4-aad ee kulankii kooxdiisu ay 2-1 uga adkaatay axadii hore kooxda Burnley.

Ganaaxa ayaa ah mid Wenger uusan soo fariisan doonin ilaa 4 kulan kursiga laga maamulo kooxda, waxaana taa badalkeeda kooxda maamuli doona caawiyihiisa Steve Bould.

Wenger ayaa la xiriiri kara Steve Bould inta ay socota ciyaarta, sidoo kale Arsene ayaa qolka dhar badalashada kula kulmi kara ciyaartoydiisa waqtiga nasashada ee dhex taalka ciyaarta.

FA-ga ayaa sidoo kale ku gaxaanay tababare Wenger bixinta lacag dhan 25 kun oo Ginni, kulamada uu Wenger ka maqnaan doono Arsenal ayaa kala ah:

Southampton, Watford, Chelsea iyo Hull City, wuxuuna kooxda dib u laylin doonaa kulanka Champions League ee Bayern Munich.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video