Barcelona Oo Cabsi Wayni ay Hayso”Ogow Sababta

Sergio Busquets ayaa garoonka looga saaray Bareelo kaddib sideed daqiiqo oo qura ay socotay ciyaartii ay xalay afarta gool uga adkaadeen naadiga Eibar.

Xiddiga qadka dhexe ee reer Spain ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray canqowga kaddib markii uu lugta uga istaagay xiddiga lambarka 5-aad u xirta Eibar.

Lama garanayo ilaa iyo iminka heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray laakiin Barcelona ayaa warbixin ay soo dhigtay boggeeda Twitter ku sheegtay inuu dhaawacu ka soo gaaray canqowga lugta midig isla markaana maanta la marsiin doono tijaabooyin si loo ogaado inta uu gaarsiisan yahay.

Tababare Luis Enrique ayaa rajeynaya in Busquets uu si dhaqso leh uga soo kabto dhaawaca maadaama ay kooxda ku soo fool leeyihiin kulamo muhiim ah oo horyaalka La Liga iyo waliba Champions League oo bisha soo socota dib u furmaya.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video