Marco Verratti Oo Xalay Sameeyay Arin Layaable”Sawirro

Daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta ayey aheyd markii uu ficilkaan sameeyay iyadoo PSG ay marti u tahay kooxda nantes, wiilkaan reer talyaani ayaana diilinta horteeda ku sameeyay wax lama filaan ah, fikir ahaan waa wax qaldan inkastoo ay tahay wax ay macquul tahay inuu ciyaariyahan sameeyo.

Caqliyan garsooraha wuxuu u fahmay inuu kubadda garabka ku taabtay inkastoo aysan sidaas u muuqan, hadana waxey aheyd qalad uu naftiisa usoo jiiday.

Garsoore Johann Hannel ayaa arkay Verratti ficilkiisa wuxuuna ku abaalmariyay kaarka jaalaha wuxuuna laad xor ah oo aan toos aheyn ku abaalmariyay Nantes.

Ciyaariyahanka looma ogola inuu sameeyo khiyaano ulakac ah isagoo kubadda ku baasaya Madax, Xabadka iyo Jilibka ama in la mid ah si uu goolhayaha u hareer maro sharciga, balse wax dhib ah ma lahan sida uu goolhayaha ugu xisaabtamo in kubadda looga dafo.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video