Arsene Wenger”Waxaan Markan Haysta Hubka Wax Gumaada

Tababare Arsene Wenger ayaa aaminsan inuu iminka heysto hubkii ugu waynaa tan iyo kooxdii Arsenal ee ku guuleystay Premier League iyadoon laga adkaan 2004-tii.

Gunners ayaa durba dhalisay xagaagan 48-gool waana in ka badan 11-gool intii ay dhalisay kal ciyaareedkii la soo dhaafay waqtigan oo kale.

“Iminka waxaan heystaa hub badan,” Wenger ayaa sidaa yiri ka hor kulanka galabta ee Burnley.

“Waxaan aaminsanahay inaan kal ciyaareedkan ka adag nahay.

“Marka aad eegto tirada aan kooxda ku heysano kuwaa oo dhaliyay goolal ka badan koox kasta oo kale 5-ta daqiiqo ee ugu dambeysa cyaarta iyo kooxda ay 14-gool u dhaliyeen xiddigaha keydka uga yimid.
“Sidaa darteed waxaan heysanaa hub badan oo weerarka ah.”.

“Marka aan eego hareeraheyga ee keydka waxaan had iyo jeer ka fikiraa, ‘Haddii aad midkan galiso waxbuu ku siin karaa.’

“Iminka waxaa dib noogu soo laabtay Danny Welbeck, waxaan heysanaa Lucas Perez, ka hor waxaan keydka ku heystay Olivier Giroud, Theo Walcott wuu ciyaarayay.

“Waxaad aaminsan tahay inay yihiin ciyaartooy kuwaa oo wax imaanaya ku siin kara.”.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video