Hordhac: Real Madrid vs Malaga”Madrid oo Markale Awoodeeda Tijaabin doonta

Real Madrid ayaa ku qasban iney ka hoos baxdo cadaadiska saaran madama ay laba guuldaro oo xiriri ah la kulantay, Zidane ayaana doonaya inuu isbadal weyn sameeyo si kooxdiisa isbadal weyn ay u sameyso.

Kaliya hal dhibcood ayey ka sareysaa kooxda Sevilla inkastoo ay kulan baaqi ah gacanta ku heysato waana kulan ay la yeelan doonto Valencia oo xagaagan iska tabar yareysay.

Kulanka: Real Madrid vs Malaga
Tartanka: La Liga

Garoonka: Santiago Bernabeu

Saacadda: 6:15 Maqribnimo (XGA)
Garsoore: Jesus Gil (Spain)
XAQIIQADA KULANKA:

Real Madrid waxey la kulantay kaliya hal guuldaro 30-kulan oo ay kulamada La Liga la ciyaartay Malaga 21-guul iyo 8-barbaro, balse guuldarada kaliya ee ay ka heshay waxey soo gaaray December 2012 markaas oo 3-2 lagu dilay.

Real Madrid wax guuldaro ah kalama kulmin 15-kulan oo ay gurigooda kula ciyaareen Malaga, 12-guul iyo 3-barbaro, hal jeer ayeyna ku fashilmeen iney gool ka dhaliyaan waana September 2015.
SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid:

Navas; Danilo, Varane, Ramos, Marcelo; Kroos, Modrić, Casemiro; Vázquez, Benzema, Ronaldo

Málaga:

Kameni; Juankar, Villanueva, Muñoz, Rosales; Fornals, Camacho; Castro, Duda, Santos; Ramírez


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video