Waqtiga Ay Real Madrid Iska Iibin Doonto Cristiano Ronaldo Oo La Ogaaday

Inkastoo aysan jirin xaqiiqo rasmi ah hadana jariiradda Spain laga leeyahay ee DOn Balon ayaa shaacisay in Real Madrid ay diyaar u tahay iney iska iibiso Cristiano Ronaldo marka la gaaro 2019 iyadoo si cad u shaacisay in Florentino Perez uu qorshahaas mar h–e dajiyay.

31-jirkaan heerka caalami ayaa haatan saxiixay heshiis shan sano ah bishii November, taasoo ku heyn karta garoonka Santiago Bernabeu ilaa 2021 waana tan iyo 36-jirnimadiisa.

Madrid ayaa lagu soo waramayaa iney dooneyso iney iska iibiso marka uu laba sano jirsado qandaraaska haraadiga ah ee xidigaan, waxeyna ka iibin doontaa kooxaha reer China ama kooxaha horyaalka Mareykanka.

Si kastaba Perez wuxuu sida cad doonayaa inuu ka iibiyo kooxaha Shiinaha ka hor inta uusan waayahiisa kusoo afjarin MLS oo uu qorsheynayo xidigaan heerka caalami.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video