Daraasad:-Astaamahan Hadii Lagu arko Hooyada Uurka Leh Waa laqiyaasi Kara waxay sido Gabar Wiil!

Daraasad caafimaad oo muran dhalisay ayaa lasoo saaray dhawaan, taasoo lagu sheegay inay jirto xaalad caafimaad oo haweyneeda u suurta gelineyso in la xaqiijiyo waxa ay dhali doonto wiil ama gabar balse waxay daraasadda shuruud uga dhigtay in xaaladaan laga arko Xaweeneyda ka hor inta aysan uurka qaadin.

Sida ay soo saareen Culumada Canada u dhashay cadaadiska dhiigga ayaa go,aaminayo suurtagalnimada inay haweeneyda qaado uur wiil ama gabar ah ka hor Uurka 26 asbuuca.

Wargeyska Telegraph ee laga leeyahay England ayaa sheegay in haddii cadaadiska dhigga Haweeneyda uu sare u kaco ay ka dhigan tahay inay dhali doonto wiil, taas caksigeeda haddii uu cadaadiska dhigga hoos u dhaco waxay dhali doontaa Gabar.

Dhaqtar ku takhasusay cilmiga Endocrinology oo ka shaqeeyo Toronto Hospital Mount Sinai ayaa sheegay in cadaadiska dhigga hooyada ka dhigan tahay nooca cunugga ay dhali doonto.

Daraasado h–e ayaa daaha ka qaaday in dhacdooyinka xanuunka leh sida dagaalada, musiibooyinka iyo dhibaatada dhaqaalaa ay muujiso heerarka kale duwan ee labka iyo dhedigga mid kamid ah wadamada adduunka.

Dhaqtar kale oo ka shaqeeyo isbitaalka dumarka ee Liverpool Charles Kingsland ayaa sheegay in dhiigga hooyada oo sare u kaco uu keenayo inay hooyada dhasho wiil.

Taas badalkeeda, baarayaal kale ayaa ka cabaday daraasadaan, lataliyaha guud ee isbitaalka qaliinka iyo daaweynta ee Hammer Smith oo ku yaal Bariga London Geoffrey ayaa sheegay inuusan weli h–ey u maqlin in cadaadiska dhigga hooyada uu go,aaminayo nooca cunugga ay wado 26 asbuuc ka hor.

Wuxuu sheegay in midda la wada ogyahay ay tahay in xaaladaha qaar ee heer kulul ay saameyn ku leedahay go,aan qaadashada wiil iyo gabar midaasna waxay dhacdaa inta lagu jiro xaaladaha h–e ee uurka balse ma dhacdo bilooyin ka hor uurka.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video