Cabitaanka Yaanyada Oo La Ogaaday Inuu Ka Hortago kansarka Qanjirka Raga Oga Dhaca Ee Loo Yaqaan (prostate)

Kansarka ku dhaca qanjirada macdanta ee ragga waxa uu ku mid yahay cudurada sida aad ka ah ugu dhaca ragga, gaar ahaan kuwa da’doodu dhaaftay 60 jir.
Haddaba baadhitaano badan oo lagu sameyeeyay cudurka kansarka ee ku dhaca qanjidhada oo afka qalaad lagu yidhaahdo prostate.

Ayaa waxa lagu ogaaday waxyaabo badan oo suurtagal tahay inay yareeyaan khatarta cudurkan.
Waxaana ka mid ah qaabka cunto qaadashada, waana sida ugu wanaagsan ee dhakhaatiirtu isugu waafaqsan yihiin, inay qasab tahay in ninku marka uu gaadho 40jir uu badallo cunta qaadashada.
Tusaale ahaan uu badsaddo cunista khudradaha dareygaa iyo ta dabka gashayba labadaba.
Waxa kale oo aad loogu taabaayaa in ninku maalin kasta cabo koob sharaab ah oo ka sameysan yaanyo la shiiday, in maadada lagu magacaabo lycopene ee tamaandhada ku jirta ahan maadada midabka casaanka ah u sameysa, ay leedahay awood ay ku weerarto moleekuleyaasha (molecules ) xun ee jidhka soo gala.
Taasina yareyso ama haddii muddo dheer cabbista sharaabkan la wado meeshaba ka saarayso khatarta ah in qofkan uu ku dhaco cudurka kansarka noociisan ku dhaca qanjidhka xiniinyahay ragga.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video