Talooyin Caafimaad OO Ku Socda Hooyada Uurka Leh

Sidee ku ogaan kartaa inaad adiga iyo ilmahaaguba aad cafimaad qabtaan intaad uurka leedahay?

Waxaad ku ogaan kartaa inaad tahay hooyo cafimaad leh oo uurkeeduna yahay mid cafimaad qaba sidan.

Hooyada uurka leh inaad la la samayso xiriiir joogtaa dhaakhaatiirta!

Inaad la socoto si joogtaa cafimaadka naftaada iyo ka cunugaba oo aad is baartid kolba sida uu yahay cafimaadkaagu, waayo waxay kuu suurto galinaysaa inaad ka war qabto sida uu yahay cafimaadkaagu iyo kan ilmahaaguba.

Waxa kaloo uu kuu suurtogalinayaa baaritaankaasi, in la qiimayn karo xaalka uu uurkaagu ku sugan yahay.

Maxaa looga baaahanyahay hooyada uurka leh inay samayso?

Waxaad cuntaa waxyaabo aaney naftaada dhib gaarsiineynin sida Buskutka IWM.

Ina aadan badsan cuntada, markaad wax cunaysid laakiin waa inaad aad u badsataa cabista biyaha. Ka fogow inaad cunto waxyaalaha macaan subixii. Waxa kuu wanaagsan in ay cuntadaadu noqoto cunto fudud,

Ka fogow inaad qaado waxyaabaha calculus.

Maxaa keena cago bararka? Maxaase looga baahanyahay hooyadu inay samayso markaas?

Cagaha oo barara: waxaa sabab u ah cadaadis ilmo galeenka oo saameyn ku yeesha unugyada wareega ee dhiiga oo ka imaanaya laf dheerta lugta , si gaar ah waxa ay yimaadaan bilaha danbe ee Uurka.

Marka ay xaaladahan oo kale ay yimaadaan waxaa wanaagsan hooyada Uurka leh in ay yareyso qaadashada waxyaabaha ka sameysan cusbadda ,ln qeybo ka mid ah maalintii ay yara raaxeysato iyadoo dhabar dhabar isku tuureysa gogosheeda sarena u qaadeysa labada cagood

Xanuunada Dhabarka: waa wax iska caadi ah , si xanuunadaasi ay kaaga yaraadaan , waxaad sameysaa howlaha jirdhiska fudud sida Istaag /Fariiso IWM. Ka fogow inaad qaadid waxyaabo aad u culus.

Hooyada uurka leh iyo dadka kale ee ku nool meelaha huurka leh waa inay qataan dawooyinka gooryaanka waayo waxa ku dhici karta dhiiig yaraan, dhiig yaraantuna waxay dhib ku tahay hooyada iyo ilmaha yare e dhalayso.

Maxaa ka dhalan kara dhiiig yaraanta hooyada.?

Hooyada dhiig la,aantu hayso ee uurka leh waxay khatar u tahay inay dhiciso ilamaha, calaamado jahwareer leh iyo dhimasho ay lasoo daristo marka dhalmada. Caruurta ay dhalaan haweenka dhiigyaradu hayso waxay ku dhashaan culays hooseyn maskax yaraan, heerkooda dhimasho oo sareeya iyo difaaca jirkooda oo liita. Waxa kaloo hoosaynaysa maskaxdooda oo fahankoodu uu yaraanayaa caruurtaas.

Hadaba sidaynu uga hor tagi kartaa dhibtaas.

Kor u qaadid cuntooyinka ayadoo lagu darayo kuwa hodanka ku ah macdanta (iron) sida hilibka iyo beerka.

Ku dhiiri galin qoysaska inay u haystaan cunto ahaan xayawaanada la dhaqo sida digaaga iyo ariga.

Il la siyo hooyada uurka ka dib fitamiin ama dawada feero.

In canugga marka uu dhasho la siiyo naaska ilaa labada sano ee loogu talagalay.


Shabakada Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail afrikadanews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Featured Video